Dowladda Kenya oo Sheegtay in Ay Ku Raad Joogto Xubno Ka Tirsan  Al-Shabaab

0

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay ku raad joogaan xubno katirsan Al-shabaab oo weerar kuqaaday kolonyo ay saarnaayeen saraakiil katirsan ciidamada difaaca Kenya oo marayay deegaanka Lamu halkaa oo la sheegay in weerarkaasi ay Alshabaab kudileen Laba saraakiil oo katirsan ciidamada Kenya halka sadax kale uu dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray weerarkaasi.

Kolonyadan ay saarnaayeen saraakiishaasi ayaa la sheegay in ay kasoo dhaqaaqeen tuulada Hindi islamarkaana ay ku wajahnaayeen Mahabusa halkaa oo weerar dhaba gal ah ay kala kulmeen xubno katirsan  Alshabaab.

Afahayeen u hadlay ciidamadda Kenya ayaa sheegay in ay heleen xogo ku saabsan raggii weerarka soo qaaday wali ay kusugan yihiin deegaan  hoos yimaada xuduuda ay wadaagan dalalka Kenya iyo soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale carabaabay in weerarkaasi ay Alshabaab ku qaadeen kolonyadaasi ay gubeen gaari ay wateen ciidankaasi oo nuuciisu ahaa Land Cruser islamarkaana ay iskaga baxsadeen goobta uu weerarku kadhacay.

Alshabaab ayaa inta badan bartil maameedsada kolonyada ay wataan ciidamada Kenya Halkaa oo labada dhinac ay waxyeelo kala duwan ay sookala gaarto ciidamada Kenya iyo ururka Alshabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here