Maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal laga fuliyay Gobolka bakool Lagu Dilay Sarkaal ka tirsanaa Xarakadda Al-shabaab, iyo Ciidamo La Socday.
Wasiirka Amniga Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed(Xasan Eeley) ayaa sheegay in Sarkaalka la kharijiyay oo magaciisa lagu sheegay Macalin Deerow uu Alshabaab u qaabilsanaa jidgooyooyinka wadada isku xirta Bay iyo Bakool.
Howlgalka lagu dilay Sarkaalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Lafaale oo qayaas ahaantii 28 KM u jira degmada Waajid ee Gobolka Bokool.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 5-kamid ahaa Shabaab,islamarkaana lagu soo furtay hub ay wateen oo gaaraya ilaa 8 qoryaha loo yaqaano AK47,islamarkaana ay sii socon doonaan howlgaladda lagula dagaalamayo Shabaab.
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Shabaab oo loogu hadlaayo arinta dilka Macalin Deerow uu Alshabaab u qaabilsanaa jidgooyooyinka wadada isku xirta Bay iyo Bakool.

