Wasaarada Diinta Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday War Farxad Leh + Dhageyso

0
A Muslim pilgrim sits on the top of Mount Al-Noor, where Muslims believe Prophet Mohammad received the first words of the Koran through Gabriel in the Hera cave, ahead of the annual haj pilgrimage in the holy city of Mecca, Saudi Arabia

Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la xaliyay Khilaafkii ka  jiray sanadaaan Arrimaha Xajka,islamarkaana Soomaalida ay sandkaan si wanaagsan usoo gudan doonaan acmaasha waajibaadka xajka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna sii hayaha xilka wasiirka Mudane; C/xakiin Xasan Ibraahim (Ashkir) oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa sheegay in masuuliyadda Wasaaraddu iyo Xukuumaddu in ay aheyd sidii Xujeyda Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa sannadkaan Arrimaha iyo Xajka laguna guuleystay oo aysan jirin wax caqabad ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duulimaadyadda sanadkaan ay ka qeyb qaadan doonaan 5-diyaadood,islamarkaana Toddobaadka soo socda ay billaaban doonaan socdaalka Xujeyda Soomaaliyeed Magaalada Barakeysan ee Makah.

“Umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bishaareynayaa in Xajka uu qabsoomayo,  kaalin aad weyn ayeey ka qaateen xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, shirkadaha waxaan kula dardaarmayaa in ay go’aankii Xukuuamdda ay sideeda u fuliyaan, wasaaradda Xajka Sacuudigu si wanaagsan ayeey noola shaqeeyeen, kaslooni buuxdo ayaan qabnaa saacaddaan,  laga bilaabo shalay waxaa la qeybiyey Kaararkii shirkadaha, annagana dabagal iyo qiimeyn ayaan ku sameyn doonnaa” ayuu yiri  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiin Xasan Ibraahim (Ashkir)

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here