Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa 24-kii saac aynu soo dhaafnay waxaa lagu dilay wariye, xildhibaan hore iyo afar askari oo katirsanaa ciidmadda dowlada Soomaaliya waxayna dilalkan ka dhaceen meelo kala duban oo magaalada ah.
Allaha U Naxariisto Wariye Abdirisaq Qaasim Iman ayaa lagu dilay dagmada Waaberi ee gobalka Banaadir, waxaana uu u ahaa Cameraman u shaqeeya Television-ka SBS xaruntiisa Muqdisho.
Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin katirsan Ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj,wariyaha ayaa lagu toogtay xili ay salaada Maqrib soo dhawdahay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya waxaana Madaxa Laba Xabad kaga dhuftay Askari katirsan ciidanka dowladda.
Dilka weriyaha sawir qaadaha ahaa Cabdirisaaq Qaasim IImaaan ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah askari Boolis ah oo ku sugnaa bar koontarool uu xabadihii uu kudhuftay u geeriyooday marxuumka.
Isla Muqdisho waxaa xalay ka dhacay dil kale oo loo geystay Xildhibaan hore oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi Bajamaal waxaana marxuumka lagu dilay dagmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal ahaa.
Sidoo kale waxaa Ex-control Afgooye.lagu dilay qof dumar ah oo shaaha ka ganacsan jirtay waxaana dilkaasi geystay askari katirsan ciidanka dowlada, oo markii dambe gacanta lagu dhigay.
Isla Muqdisho Khamiistii waxyaabaha ka dhacay waxaa kamid ah agagaarka Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsan ciidanka Police-ka DFS iyo askari ilaalo u ahaa.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in Sarkaalkan iyo askariga la socday lagu dilay meel u dhow isgoyska Bakaaraha, islamarkaana kooxihii weerarka geystay ay baxsadeen.
Dhanka kale labo askari oo ka tirsanaa ciidamada military-ga ee DFS ayaa lagu dilay agagaarka isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdish.o waxaana dilalaka askarta masuuliyadeedu sheegatay Al-shabaab
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo arintaan dilalka ka dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimaddda Soomaaliya.

