Ciidamo Militari ah ayaa dhwaan la Wareegay Mas’uuliyada Amniga Magaalada Muqdisho kuwaasi oo hada ka Howgalaya Kontaroolada Caasimada iyo goobaha kale ee amniga magaalada lagala socdo.
Sida ay heshay Idaacada Simba ciidamadan oo Shacabka Muqdisho loogu sheegay Ciidamo ka tirsan ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed isla markaan ay Amniga sugayaan ayaa la Xaqiijiyey inay yihiin Guuto Cusub oo la yiraado Ciidanka Difaaca Dadweynaha oo Madaxweyne Farmaajo uu dhistay 14-kii October sanadkii 2017,xiligaas uu dhacay Xasuuqii Zoobe oo wali cidna aysan masuuliyadiisa sheegan.
Madaxweyne Farmajoo ayaa dhamaadkii Sanadkii 2017 waxaa uu bilaabay dhismaha Ciidanka Difaaca dadweynaha kuwaasi uu sheegay inay al-shabaab la dagaalmayaan,bale ciidanka difaaca dadweynaha ayaa la ogaaday inay loo adeegsanayo sidii uu talada u heyn lahaa Xukun Farmaajo.
Ciidanka Difaaca Dadweynaha oo aan waafaqsan sharciga dalka islmarkaana aan ka tirsaneyn Afarta Ciidan ee Qaranku uu leeyahay ee kala ah,Ciidanka Militariga,Ciidanka Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka,Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Asluubta ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa uu usameytay in uu u adeegsado cuburinta Siyaasiyiinta dhaliilsan Hogaankiisa iyo kuwa tartanku uu kala dhexeeyo.
Sida uu qabo Xildhibaan hore Maxamed Cumar Geedi Ciidanka Difaaca dadweynaha ee Madaxweyne Farmaajo uu sameystay ay yihiin ciidamo sharcidaro ah islamarkaan aan waaqsaneyn dastuurka iyo Sharuucda dalka ee dhismaha ciidanka qaranka, waligii lagu aqooni jiray.
Marka laga tago ciidankan cusub ee la wareegay amniga Magaalada Muqdisho waxaa jira khilaaf soo xoogan oo ka dhax aloolsan madaxda ugu sareysa dowladda sida madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre.
Ciidankan la magac baxay ciidanka difaaca dadweynaha ayaa magac ahaan waxaa laga soo min guuriyay maleeshiyada abaabulan ee la yiraahdo xashdu shacbiga kuwaa oo ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq.
Dhageyso Codka: Xildhibaan Hore Maxamed Cumar Geedi

