Faah Faahin: Askar Lagu Laayay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Sooamaaliya waxa ay ku dileen Labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Dilalka ayaa ka dhacay Xaafada Barmuudo ee degmada Howl-Wadaag, halkaasi oo kooxo hubeysan ay ku dileen laba askari oo katirsanaa ciidanka minishiibiyada ama cashuuraha qaada oo halkaasi ku sugnaa.

goobjooge ayaa Radio Simba u sheegay in dilka uu ka dhacay meel aan sidaa kaga fogeyn Xarunta degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho,Ragii dilka ka danbeeyayna ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay askarta kuwaa oo ka qaaday meesha meydadka askartaasi kooxa hubeysan ay ku dileen magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Masuul katirsan maamulka degmada ayaa inoo xaqiijyay dilka askartaasi lagu dilay xaafad katirsan degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho caasimada Soomaaliya.

Dhanka kale laba xubnood oo ka tirsan ciidamada military-ga ee DFS ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay agagaarka isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah.

Al shabaab ayaa sheegay in Weerarkan ay fuliyeen ciidankooda laguna beegsaday Sarkaal iyo askari ka tirsan ciidamada military-ga xilli ay la socdeen gaari Kaarib ah  oo marayay aaga Isgoyska Baar ubax.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al shabaab ayaa looga hadlay dilal qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho.

Labada weerar ee lagu laayay Xubno katirsanaa ciidanka dowladda ayaa waxaa sadax ku noqonaya toogasho goordhaweyd ka dhacday magaalada muqdisho oo uu askari katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ku dilay wade Mooto Bajaaj oo marayay suuqa degmada waabari ee magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here