Wararkii ugu danbeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya oo saacado ku dagaalamaya mid kamid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa Xaafada Kaawa godeey dhanka degmada Dharkeenleey, halkaasi oo ay ku wada dagaalamayaan ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo qaab qabiil u abaabulan.
Sarkaal katirsan ciidanka Military-ga dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Dharkeenleey ayaa Idaacada Simba u xaqiijiyay in ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya uu dagaal ku dhax marayo agagaarka Ceel Dhanaanoow ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii la isku fahmi wayay muran dheer kadib dhul halkaasi ku yaala, oo markii danbe sababay in dagaalkan uu halkaasi ka qarxo sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.
Wali lama oga khasaaraaha rasmiga ee dagaalka, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasha iyo dhawaac ah, maadaama labada ciidan duhurkii ilaa iyo hada ay dagaalamayaan.
Maamulka degmadaDharkeyley oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa suura galin.
Waxii Kusoo Kordha Dagaalka Kala Soco Facebook Radio Simba Ama Simbanews.com

