Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciiamada Qalabka sida ayaa waxay ku dhawaaqday Xukun dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo Xafiiska Xeer ilaalinta CQ S ay ku soo eedeysay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish ee Soomaaliya, una qaabilsanaa farsameynta Qaraxyada.
Eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni ayaa ka soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraha Qandala oo dhexmaray Maamul Gobolleedka Puntland iyo Kooxdiisa Daacish.
Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ayaa waxay sheegtay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu ka hor cadeeyay Garsoorka Ciidanka hortiisa inuu ka tirsan yahay Daacish kana soo qeyb qaatay dagaalo ka dhacay Buuraleyda Qandala ka dibna uu u soo wareegay Gobolka Shabeellaha hoose si uu uga fuliyo qaraxyadda daacish ay rabaan inuu ka dhaco gobalkaasi.
Laamaha Amniga ayaa eedeysanahan ku soo qabtay howlgalkiisii ugu horeeyay asagoo dhigay Miino meel Bar Kontaroolka bood-boodka oo ah meel ay degan yihiin ciidanka daraawiishta Booliska,waxaana markaasi ka dib lagu wareejiyay eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuune Saldhiga Booliska Afgooye.
Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa u caddaatay in eedeysane Jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiyada lagu soo oogay,waxayna Maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’im,waxayna Maxkamaddu intaasi raacisay in cidii ku qanacsaneyn Xukunka Maxkamadda u furan tahay racfaan.

