Gudoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo wareysi gaar ah siinayay Idaacada Simba ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda amni ee magaalada halka iminka ay mareyso.
Hogaamiye Maxamed Cismaan Yariisow ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii dhawaan ka dhacayay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxuu si gaar ah farta ugu goday yariisoow iney jiraan rag ka tirsan Xarakada Al shabaab oo ka howlgala xarumaha ugu waaweyn dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyihii hore ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah xildhibaanada saraakiisha ciidamada sirdoonka & Military-ga dowladda in gacan saar dhaw ay la leeyihiin Xarakada Al shabaab, kuwaa oo u fududeeya qaraxyada iyo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho.
Magaalada marka ee xarunta gobalka Sh/Hoose waxaa gacanta ku wada haya laba maleeshiyo oo u abaabulan qaab qabiil, kuwaa oo mid kamid ah uu hogaamiyo gudoomiyihii hore ee Magaalada Marka.
Dhageyso Codka: Gudoomiyihii Hore Ee Magaalada Marka Maxamed Cismaan Yariisow

