Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka , ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo loo haysto eedeymo la xiriira musuq maasuq.
Sarkaal katirsan sirdoonka dowladda ayaa Radio Simba u xaqiijiyay in Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha,lagu soo eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne”
Waxaa loo haystaa in uu lunsaday lacag dhan $ 84,000 (Siddeetan iyo Afarkun oo Doollar).
Waxii Kusoo Kordha Warkaasi Waan Idinla Socod Siin Doonaaa

