Xoogaga Al-shabaab ayaa faah-faahin ka bixisay qaraxii iyo dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Baar-sanguuni ee Duleedka Magaalada Kismayao e Gobolka Jubadda Hoose.
Afhayeenka dhanka Howlgaladda Al-shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku faah faahiyay wixii ka dhacay saldhigga Melleteri ee Baar Sanguuni isagoo carrab dhabay tirada ciidamada ay ku dileen weerarka.
Waxa uu sheegay Abuu Muscab in weerarkii Baar-sanguuni lagu dilay 27-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubba-land iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee uu Mareykanka Tababaray.
Sidoo kale waxa uu sheegay in gacanta lagu dhigay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda,halka sidoo kale 6-meyd ahaa lagu soo bandhigay fagaaraha Degmadda Jamaame oo gacanta ay ku hayaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday 2 gaari oo qaraxyo ah ku qaadeen degaanka Baarsanguuni oo ay fariisimo u ah Ciidamada dowladda ,balse ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa iska difaacay weerarkaasi ay soo qaadeen dagaalyahanada Alqaacidda ee Soomaaliya.
Daawo Sawiradda Warbaahinta Al Shabaab Ay Maanta Soo Bandhigtay




