Al-shabaab oo Soo Bandhigay Meydadka Askar Ka Tirsana Ciidamadda Dowladda

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa faah-faahin ka bixisay qaraxii iyo dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Baar-sanguuni ee Duleedka Magaalada Kismayao e Gobolka Jubadda Hoose.

Afhayeenka dhanka Howlgaladda Al-shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay ku faah faahiyay wixii ka dhacay saldhigga Melleteri ee Baar Sanguuni isagoo carrab dhabay tirada ciidamada ay ku dileen weerarka.

Waxa uu sheegay Abuu Muscab in weerarkii Baar-sanguuni lagi dilay 27-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubba-land iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee uu Mareykanka Tababar.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gacanta lagu dhigay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda,halka sidoo kale 6-meyd ahaa lagu soo bandhigay fagaaraha Degmadda Jamaame.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday 2 gaari oo qaraxyo ah ku qaadeen degaanka Baarsanguuni oo ay fariisimo u ah Ciidamada dowladda ,balse ciidanka Militariga Soomaaliya ayaa iska difaacay weerarkaasi.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Aadan Isxaaq Cali ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka oo ka feejignaa Weerarada Al-shabaab ay halkaasi ku toogteen ilaa 87 ka tirsanaa raggii Weerarka soo qaaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here