Ciidamo Cusub oo Saakay Lagu Arkayo Isgoysyadda Magaaladda Muqdisho

0

Dowladda Soomaaliya ayaa isbadal ku sameysay Ciidamadii loogu Talagalay Sugidda amniga Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamadii Xasilinta Caasimadda oo bilooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa isgoysyadda Muqdisho, islamarkaana sugayay amniga Magaaladda ayaa dib loogu celiyay xiryahooda waxaana isgoysyadda Magaaladda la keenay Ciidamo Malatari ah oo  u badan dhalinyaro dhawaan Tababaro soo dhameystay.

Isgoyska kala ah Warshadaha, Howlwadag, Sheekh Cali Suufi, Sanco iyo Afarta Jardiino,ayaa saakay lagu arkayay Ciidamo cusub oo ka Tirsan Malatariga Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo lagu badalay Ciidamadda Xasilinta caasimadda.

Talaabadaan ayaa lagu sheegay in ay tahay mid ay Dowladda Soomaaliya isbadal ugu sameynayso amniga Magaalada Muqdisho,islamarkaana shacabka lagaga dulqaadayo dhibaatooyinkii ay la kulmayeen mudooyinkii dambe.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa todobaadkaan Amray muddo 48 Saacadood gudahood ah in la furo inta badan wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho ka dib markii uu dhawaan kulan la qaatay guddiga Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay waajib ku tahay fududeynta dhaqdhaaqa iyo ganacsiga bulshada, iyagoona sii joogteynaya dadaallada ay ku sugayaan nabadgelyada caasimadda.

Madaxweynaha oo guddoominayay shalay shirka toddobaadlaha ah ee amniga ayaa warbixinta amniga guud ee dalka ka dhageystay hay’adaha ammaanka, waxa uuna ku adkeeyey inay iskaashi iyo isdhexgal buuxa la sameeyaan shacabka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here