Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa ku waramaya in qarax iyo dagaal toos ahaa uu saakay aroortii ka dhacay Deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka Magaaladaas.
Dagaalka ayaa ku bilowday qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Saldhig Milatari oo Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jubba-land ay ku lahaayeen duleedka magaalada Kismaayo.
Qaraxa kadib ayaa waxaa Saldhiga ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Shabaab ee weerarka soo qaaday,waxaana dagaal uu socday muddo saacado ah sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.
War kasoo baxay Xarakadda Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamdooda ay dagaal kula wareegeen Ssaakay aroortii Saldhigii Ciidamadda Dowladda iyo Jubba-land ee duleedka kismaayo,islamarkana dagaalka lagu dilay Ciidamo badan oo ka Tirsanaa Jubba-land.
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka jubba-land iyo Taliska Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loogu hadlaayo dagaalkaan.

