Al-shabaab ayaa galabta Hobiyayaal ku weeraray markab taagan xeebta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo saanad u keenay ciidamada AMISOM iyo kuwa dalwdada Soomaaliya.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Baraawe ilaa 3-hoobiyaye ayaa lagu weeraray Markabka, mana cadda in qaar ka mid ah hoobiyayaashaasi lala helay markabka iyo in kale.
Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa ku Jawaabay Madaafiic kale oo ku dhacday hareeraha Degmadda baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM oo ku saabsan weerarkaan.

