Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM isagoona kala Hadlay sidii loosii wadi lahaa dagaalka lagula jiro ciidamada al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka soomaliya,
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaliyeed S/Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa sheegay in sanadkaan 2016-ka uu u noqon doono sanadkii Ciidanka Xoogga dalka soomaliyeed sanadkii dib-u-dhiska iyo howlgallada lagu lagula dagaalamayo al-shabaab,
Kulanka ayaa waxaa Taliyaha Ciidamadda ku weheliyey Abbanduulaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale. Waxana uu kulankani qeyb ka yahay kulamo is daba joog ah oo maalmihii u danbeeyey u dhexeeyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya jooga.





