Puntland Oo Shaqada Ka Ceyrisay Masuuliyiinta Hay,Ada….

0

Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka mamulka Puntland C/xamiid Cabdi Xamiid sheikh Cabdisalaan ayaa sheegay in dood dheer kadib ay baarlamaanka Puntland isku raaceen inaysan hay,ada Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland haysan wax sharciyad ah.

Baarlamaanka ayaa kala diray Hay,ada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland waxaana dalbadeen i si degdeg ah sharciyadeeda loo sameeyo, kadibna Madaxweynuhu soo magacaabo Masuuliyiinta Hay,ada.

Hay,ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland ayaa waxaa soo magacaabay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaana hay,adaan lagu soo eedeeyey musuqmaasuq baahsan iyadoo ay shacabo badani ka jirtay habka lagu shaqaalaysiiyo shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here