Wararka ka imaanaya deegaanka Af-Urur ayaa ku waramaya In Ciidamada Xarakada Al-shabaab ay gudaha u galeen goordhaweyd deegaan duleedka kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaa oo saldhigyo Military ay ku leeyihiin ciidamo katirsan daraawiishta maamulka Puntland.
Ilo dadka deegaanka ayaa Radio Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay iney arkayeen Dagaal-yahano fara badan oo katirsan Xarakada Al-shabaab oo gudaha u galayay deegaanka Af-Urur ee dhanka Koofur Galbeed kaga beegan magaalo xeebeedka Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Goob jooge ku sugan deegaanka Af-Urur ayaa Simba u sheegay Xoogaga Al shabaab ee gudaha u galay deegaanka, iney sameynayaan dhaq dhaqaaq ciidan oo gudaha ay ugu galayaan saldhigyadii ciidanka Puntland ay kaga sugnayeen deegaanka Af-Urur ee duleedka kaga toosan magaalada Boosaaso.
Ciidamada Puntland ee saldhigyada ku lahaa deegaanka Af-Urur ayaa ku sugan duleedka deegaanka, halkaasi oo loo maleynayo iney doonayaan dib ugu soo noqoshada saldhigyadoodii ay ka baxeen.
Maamulka deegaanka deegaanka Af-Urur oo Simba Xariiro ay la sameysay ayaan suura galin.
Al shabaab wali wax war ah kama soo saarin la wareegitaanka deegaanka Af-Urur ee gobalka Bari.
Saldhigyada ciidamada daraawiishta Puntland ee deegaanka Af-Urur ayaa noqday mid marar badan marti galiyay weeraro dhiig ku daatay oo dagaalyahanada Al shabaab ay ku qaadeen deegaankaasi.
Waxii Ku Soo Kordha Kala Soco Facebook Radio Simba Ama www.simbanews.com

