Qeylo Dhaan Weerarada Al Shabaab Ee Wadada Isku Xirta Jowhar Iyo Muqdisho + Dhageyso

0
Saldhiga Ciidamada Jabuuti Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Gudoonka  Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Codsaday in Maamulkooda laga taageero sugida dhinaca amniga wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Gudomiye xigeenka baarlamaanka Hirshabele Canab Cabdulaahi Ciise oo la hadashay  Idaacada Simba ee M/M ayaa waxa ay ugu baaqday ciidamada daraawiishta ee ka howlgala wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar inay muujiyaan masuuliyad amni iyo feejignaan dheere ah xili wadadaasi dhowr jeer lagu bartilmaameedsaday  xildhibaano katirsan baarlamaanka Hirshabelle iyo saraakiil ciidan waxayna saraakiisha heyadaha amniga ka codsatay inay xaqiijiyeen amniga wadadaasi xilli ay adag tahay inay isaga kala gooshaan masuuliyiinta maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Hirshabbelle.

Masuuliyiinta maamulka Hirshabbelle ayaa Intabadan safar dhinaca cirka ah ku taga Jowhar, waxayna masuliyiinta maamulkaasi sheegaan in amniga wadadaasi aan xilligaan la isku aamini Karin  maadaama  Al-shabaab ay marar badan  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle wadada u galeen.

Dhageyso: Gudomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Hirshabele Canab Cabdulaahi Ciise

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here