Akhriso:-Shirka Horumarinta Soomaaliya oo Maanta Ka Furmaya Brussels

0

Magaaladda Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka waxaa maanta oo Isniin ah ka furmaya shirka loogu hadlaayo horumarinta Soomaaliya.

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo),ayaa ka qeyb-qaadan doona guddoominta shirka horumarinta Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 Luuliyo waxaana ka qeyb gali doona Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda iyo madax ka socota beesha Caalamka.

Shirkan ayaa daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona saddex shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here