Maamulka Xarakadda Al-shabaab ee Goboladda Jubooyinka ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay labo nin oo lagu eedeeyay in ay horey dil u geysteen.
Xukunkaan ayaa ka dhacay fagaaro ku yaala Degmadda jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe,waxaana usoo daawasho tagay shacabka Degmadda ku nool.
Xukunkani oo ahaa mid dil ah waxaa lagu fuliyay Labada ruux ee lagu kala magacaabo Gaabow Yare Ibraahim oo 36 Sano jir ah iyo Maxamed Bashiir Cabdi oo 29 Sano jir ah kuwaas oo dhowaan dil u geystay nin Xoolo dhaqata ah oo lagu magacaabi jiray Guudle Caddaan Xasan oo dilkiisa ka dhacay Baadiyaha Deegaanka Galsheeq Abiikar ee hoosyimaada Degmada Jilib ee Goboladda Jubbooyinka.
Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee Jubbooyinka ayaa fagaaraha ka aqriyay xukunka Dilka ee lagu fuliyay labadaasi ruux ee geystay falka dilka ah.
Al-shabaab ayaa Xukuno kala duwan kala fuliya goobaha ay ka maamulaan Goboladda dalka Soomaaliya.

