Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha degmada Waaberi Rowdo colaad oo xilka loo magacaabay 23-kii May ee sanadkii 2017-kii.
Duqa muqdisho ayaa xilka gudoomiyaha Cusub ee degmada waabari u magacaabay Mahad cilmi oo ka Tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Galmudug, waxayna Magacaabistaan salka ku haysaa Nidaamka Wax qeybsiga ee beelaha.
Eng,Yariisow gudoomiyaha Maamulka gobolka banaadir ayaa wado isbedalo dhanka maamulada degmooyinka gobolka banaadir.
Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya iney Miiska saaranyihiin Gudoomiyayaal cusub oo loo soo Magacaabayo degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir.

