Jubbaland Oo Soo Bandhigtay Nin Ay Sheegtay Inuu Ka Tirsanaa Al Shabaab + Magaca Iyo Sawirro

0

 

Maamulka jubbaland ayaa soo bandhigay nin ay ku sheegeen inuu hore kaga tirsanaa xarakada Al shabaab balse isku soo dhiibay ciidamada amaanka maamulkaasi.

Taliska ciidanka Nabad sugida maamulkaasi ayaa dagaalamaha lasoo bandhigay sheegay inuu watay qoray AK47 iyo booshkiisa sidaasi daraadeed qalabka uu la imaaday qarash ahaan loogu lacageeyay.

Taliyaha Ciidamada Nabad sugida Jubbaland Axmed Muuse Xirs oo ku sugnaa goobta lagu soo bandhigay ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay  Aadan Huudow Cabdi kana tirsanaan jiray Xoogaga Al shabaab ayaa sheegay in ninkaani oo watay qoray AK47 uu isku soo dhiibay laamaha amaanka Magaalada Kismaayo.

Wali wax war ah kama soo bixin Xarakada Al shabaab oo ku aadan ciidamada amaanka Jubbaland ninka ay soo bandhigeen oo la sheegay inuu kamid ahaan jiray ciidamada Xarakada Al shabaab.

Daawo Sawiradda Ninka La Sheegay Inuu Katirsanaa Al Shabaab Ee Lasoo Bandhigay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here