Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa shaqadii ka joojiyay Maareeyihii Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).
Warqada shaqada loogu joojiyay ayaa soo baxday taariikhda marka ay aheyd 9-ka bisha.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in la joojiyay saxiixii Maareeyaha.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in shaqo joojintan lagu sameeyay Maareeyaha ay salka ku heyso arrimaha is qabqabsiga ka dhex jira Shirkadaha Diyaaradaha oo isku hayay arrimaha xajka.



