Xiriir Ka Dhaxeeya Al-shabaab iyo Madaxda Laamaha Amniga Soomaaliya!

0

Eedeymo culus ayaa ku oogan Madaxda Laamaha Amniga Soomaaliya oo ku aadan in qaarkood ay shabaab u fududeeyaan weerarada lagu qaado  goobaha muhiim ah ee ku yaala Muqdisho,kuwaa oo dibada u soo baxay ka dib Weerarkii lagu qaaday Xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaran ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkii 7-July la beegsaday Xarumaha ku yaala Oto Oto oo ah meel aad loo Ilaaliyo ayaa sara u qaaday  shaki badan oo  horey looga qabay in  Laamaha Amniga Qaranka iyo Al-shabaab ay isku dhexmilan yihiin islamarkaana meelaha qaar Shabaab loo fududeeyo inay Weerarada Ismiidaamin ah ay ku qaadaan sida Hotelada iyo Xarumaha Dowladda.

Sida uu qabo Korneel C/risaaq Yuusuf Afrax,waxaa jira Xiriir ka dhexeeya Saraakiisha Kontaroolada gaadiidka lagu baaro ee Muqdisho iyo weerar fuliyaashii Al-shabaab ee galay Xarumaha Wasaaradaha Arimaha guddaha iyo amniga qaranka oo aan ka fogeyn Xarunta Madaxtooyada, waxa uuna soo jeediyey inay iscasilaan Taliyaasha Nabad Sugidda, Booliska iyo Militariga Soomaaliya hadii san keeneyn Saraakiisha Dowladda Al-shabaab la Shaqeysa.

Xili muddo ay sababo Amni u xirnaayeen wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho waxaa dhacay weerar lagu qaaday Xarumihii qaban jiray howlaha ugu muhiimsan Qaranka halkaasi oo lagu dilay Shaqaale Dowladeed iyo Mas’uuliyiinta ku shaqeynayey Xafiisyada falku ka dhacay.

Ilo u dhow Laamaha Amniga Soomaaliya ayaa qaba inay jiraan Al-shabaab la Dowladeeyey oo huwan Astaamaha qaranka,Islamarkaana ku jira Hay’adaha u xilsaara xogaha dhanka sirta, oo ku lug leh waxa muqdisho ka dhacaya, waxaana daliil uga dhigayaan in Saraakiil  Al-shabaab ka tirsanaan jiray ay darajooyin sare ka hayaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,taasi oo yareysay Xogaha Dowladdu ka heli laheyd Shacabka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here