War Deg Deg:-Dilal Goordhaweyd Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Sooamaaliya waxa ay ku dileen Labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dilalka ayaa ka dhacay Xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo sheegeen goob-joogayaal rag ku hubeysnaa Bastooladdo ayaa geystay dilalka,waxayna durbadiiba ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Dhanka kale goobta uu dilka ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here