Faah-faahin:-Qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Labo qarax oo ismiidaamin ahaa ayaa maanta ka dhacay Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxyadda ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka oo ku dhow Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Qaraxa Koowaad  ayaa lagu dhuftay fariisin Ciidamadda Dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin isgoyska Sayidka ee Magaaladda Muqdisho,waxaana qaraxa kadib rag hubeysnaa ay gudaha u galeen Xarunta Wasaaradda.

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Oto Oto ayaa ku dhow nawaaxiga isgoyska Sayidka, halkaasoo ay taal Koontarool ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waana koontaroolka ugu horeeya ee laga sugo amniga Madaxtooyada.

Gudaha xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa daqiiqado kadib waxaa laga maqlay rasaas iyo bambooyinka ay isweedaarsanayeen Ragii hubeynaa iyo Ciidamadda Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Daqiiqado kadib ayaa sidoo kale laga maqlay qarax la sheegay in uu ahaa gaari  miinaysnaa oo yaalay Iradda Hore ee xarunta wasaaradda Arrimaha gudaha oo ay ka dageen Ragii hubeynaa ee la galay xarunata Wasaaradda.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan ku dhintay 2-ruux oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Ciidamadda amaanka Dowladda ayaa toogtay 3-kamid ahaa kuwii weerarka soo qaaday waxaana lagu toogtay xarunta Wasaaradda, Qofna waa kan Isqarxiyay bilaawgii.

Xarakadda Al-shabaaba aya sheegatay ma’uuliyadda weerarkaan ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here