Soomaaliland Oo Af Jartay Maleeshiyaad ka Dagaalamayay Laascaanood + Dhageyso

0

Warka soo baxay Somaaliland ayaa lagu sheegay in laga adkaaday Koox hubeysan oo taageersan Maamulka Puntland oo falaal Amni daro ka waday Magaalada Laascaanood sida uu Idaacada Simba u  Xaqiijiyey Maamulka Gobalka Sool Somaaliland.

Gudoomiyaha Gobalka Sool ee Soomaaliland Cabdi Kheyre Dirir oo u waramay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Ciidanka Soomaaliland ay soo afjareen Kooxo uu ku tilmaamay rabshadayaal ka soo horjeeda Xasiloonida  Magaalada Laascaanood,kuwaasi oo uu soo baabulay Maamulka Puntland.

Barasaabka Gobalka Sool ayaa xusay inay gacanta ku dhigeen tiro badan oo ka mid ah kooxdaan xiriirka l leh Maamulka Puntland oo isku dayey inay qabsadaan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool,halka kuwa kalena ay u baxsadeen dhanka Deegaanada uu ka arimiyo maamulka Puntland.

Dhageyso Codka:-  Gudoomiyaha Gobalka Sool Ee Soomaaliland Cabdi Kheyre Dirir

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here