Koofur Galbeed Oo Shaacisay Iney Gacanta Ku Dhigtay Sarkaal Al Shabaab Ahaa + Dhageyso

0

Maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay gudaha Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose sida ay Xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta laamaha Amniga magaalo madaxda maamulka gobaleedka koofur galbeed ee Baraawe.

Taliyaha Booliska Degmada Baraawe Gobalka Shabeelaha Hoose  Ibraahim Aadan Cali oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta ku soo dhigeen ninkaan oo ka tirsanaa Al-shabaab qeybta jabhada, kaasi oo su’aalo la weydiyay ka dib  qirtay in uu ka mid yahay Al-shabaab.

Taliyaha ayaa Sheegay in hada ninkaan ay gacanta ku yahaan ciidanka Booliska Degmada Baraawe islamarkaan ay ula dhaqmeen si wanaagsan, sida halka uu u dhigay Taliyaha.

Dhageyso  Codka: Taliyaha Booliska Degmada Baraawe eeSh/Hoose  Ibraahim Aadan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here