Akhriso:-Gudoomiyihii Degmadda Hodan Cantoobo oo Xilka Laga Qaaday

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan(Yariisow), ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii degmadda Hodan Mudane Maxamed Axmed Cantoobo.

Xil ka qaadistaan lagu sameeyay Gudoomiyihii Degmadda Hodan Cantoobo ayaa horudhac waxa ay u tahay xil ka qaadis lagu sameyn doono maalmaha soo socda qaar kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyihii degmadda Hodan Cantoobo ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir.

Xilka Agaasimaha Arrimaha Bulshada ayaa waxaa horay u hayay Saalax Xasan Cumar oo isna loo magacaabay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Xilka Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa weli la magacaabin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here