Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Xarakada Al-shabaab iyo dadka deegaanka ayaa saakay ka dhacay deegaanka Caad Degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamadda Al-shabaab ay dadka deegaanka ka dalbadeen dhalinyaro u dagaalanta balse taasi ay u cuntami waysay dadka deegaanka.
War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen inay si adag u difaacdeen gacan ku heynta deegaanka Caad oo qiyaastii 50 KM ujira magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug kuna dileen 15 Askari iyo sarkaalkii hogaaminayay ciidankaasi.
Sarkaalka oo magiciisa lagu soo koobay Goobe Gureey ayaa maydkiisa waxaa ay ciidanka uga carareen Tuulada Caad, halkaas oo isaga iyo qaar kamid ah ciidamadii uu horkacay ay ku dhinteen sida Al-shabaab ay hadalka u dhigtay
Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay Gowraceen Taliyihii hoggaaminayay ciidamada Galmudug ee weerarka soo qaaday, dadka deegaanka ayaa sheegaya in taliyaha isagoo dhaawac ah gacanta lagu dhigay kadibna ladilay.

