C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) oo dhawaan Dowladda Ethopia ay xabsiga kasii daysay ayaa shaaciyay shaqsiyaadkii ka dambeeyay xarigiisa, iyo gacan galinta.
Waxa uu sheegay Qalbi dhagax in Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA iyo agaasimihii ugu sareeyay ee xilligaa C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ay ka dambeeyeen in la soo xiro oo Itoobiya loo gacan geliyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Farmaajo iyo xubnaha kale ee dowladda ay ka war hayeen in Ethopia loo gacan galiyo.
Qalbi Dhagax ayaa sheegay in sii deyntiisa ay ka timid Raisal wasaaraha Itoobiya ayna wada kulmeen 30-kii bishii June oo ay wadahadleen, isla markaana aysan jirin cid kale oo uu kala tashaday ama la qorsheysay inaysan jirin sii deyntiisa.
“Xarigeyga waa ka danbeeyay Maamulka Farmaajo, waxaa howsheyda gacanta igu hayay Hay’addii uu Sanbaloolshe madaxda ka ahaa, iyaga iga soo qabtay Gaalkacyo dhibaato badan ayay ii geysteen, Xamar ayey Godka Jilacow igu xireen,mudadii aan xirnaa waxay ila tahay madaxweynaha iyo madaxda dowladda waa ogaan kareen” ayuu yiri Qalbi dhagax.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in codsi ay u dirtay Dowladda Ethopia lagu soo daayay C/kariin sheikh Muuse Qalbi Dhagax.

