War Deg Deg:-Toogasho Goordhaweyd Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in askari ka tirsan Ciidamadda Xasilinta Caasimadda uu goordhaweyd toogtay Darawal Mooto Bajaajle.

Sida uu inoo xaqiijiyay qof kamid ah dadkii goobta ku sugnaa, askariga ayaa toogtay darawalka bajaajlaha kadib markii uu kasoo gudbay Fariisin ay ku lahaayeen Ciidamadda Xasilinta Isgoyska Saybiyaano ee Degmadda Hodan.

Waxaa la xaqiijiyay in dhaawac culus uu soo gaaray Darawalka Bajaajlaha islamarkaana loo qaaday goobaha Caafimaadka Magaaladda Muqdisho,halkaasna uu daqiiqado kadib  ku geeriyooday.

Mudooyinkii dambe waxaa Magaaladda Muqdisho kusoo batay dilalka ay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya u geysnayeen Darawaladda Mooto Bajaajka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here