Ganacsato Soomaaliyeed oo Iibinaysay Sonkor Dhacday oo Lagu Qabtay Kenya

0

Mas’uuliyiinta magaala xeebeedka Mombasa ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ganacsado soo dagsada sokorta Kuwaa oo baaritaan dheer ay sameeyeen ciidamada amaanka magaaladasi ay gacanta kudhigeen dhowr jawaan oo sokor dhacday taariikh ahaan, islamarkaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan magacyada ganac satadaasi lagu helay falkaasi.

Eliud Munare oo ah masuul katirsan dhanka arimaha gudaha ee ganacsatada soo dhoofsata cunooyinka kala duwan ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in haatan ay gacanta ku hayaan 300,000 oo jawaano ay ka buuxaan sokor dhacday isla markaana ay kumilan yihiin maadooyin Sun ah lana doonayay in lagu dhibaateeyo bulshada kunool guud ahaan dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay ciidamada Policeka magaalada Mombasa ayaa dhanka kale sheegay in sokortaasi sumeysan laga soo dhoofiyo dalalka Brazil iyo masar isla markaana dhamaan baqaaradii ay howlgalka kasameeyeen ay kaheleen kudhawaad 80,000 oo jawaano sokor ah kadibna baaritaano ay kuhayaan inka badan 300,000 oo kamid ah sokortaasi si dadka haatan iibsaday looga dhigo in sida uga dhaqsiyaha badan aysan u isticmaalin.

Mr:Munare oo sii hadlayay ayaa carabaabay in ay xariir lasameeyen quburo kutaqa susay dhanka maadooyinka sumeysan isla markaana dhawaan ay sibuuxda ufaafaahin doonaan.

Ganacsatadan xabsiga ay dhigeen ciidamada Police-ka magaalada xeebeedka Mombasa ayaa la sheegay in ay ku jiraan ganacsato soomaali ah oo in muda ah ganacsiyo kala duwan kulahaa dalkaasi iyadoona dhawaan ganacsato soomaaliyeed lagu eedeeyay in ay dadka ka’iibinayeen bariis dhacay intaas kadibna ay sare uqaadeen ciidamada Police ka baaaritaano xoogan oo lagu xaqiijinayo dhanka ganacsatada soo dhoofsata cunooyinka kala duwan ee lageeyo dalkaasi Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here