Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada ayaa kasoo horjeestay kaalmadda ay beesha caalamku Somaliland toos u siiso iyagoo taageeray mowqifka dawladda Soomaaliya ee lagu diiday in lagu cusboonaysiiyo heshiiskii dalka Belgium-ka lagu gaaray sanadkii 2013-kii.
Qoraal kasoo baxay Golaha iskaashiga Dowladd Goboleedyadda ayaa lagu sheegay in aan la aqbali Karin in si gaar ah deeqaha loo siiyo Somali-land oo kamid ah maamuladda dalka ka jira,islamarkaana hadii la aqbalo ay Qatar ku tahay qaranimadda Soomaaliya.


