Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda addis Ababa ee caasimadda dalka Ethopia.
Qaraxa ayaa ka dhacay Fagaaraha Meskel Square ee bartamaha magaaladda Addis Ababa oo saakay ay isugu soo baxeyn boqolaal kun oo Taageersan isbadalka ka dhacay dalkaas.
Raisulwasaaraha Ethopia Abiy Ahmed oo shacabkiisa u khudbeenayay ayuu dhacay qaraxa, waxaana durbadiiba isku hareeyay ciidamada amaanka Ethopia.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Ethopia Abiy Ahmed ayaa faahfaahin ka bixiyay Qaraxa lala beegsaday ee ka dhacay Fagaaraha Meskel Square.
Waxaa uu sheegay in tiro dad ah oo Shacab ah ay kasoo gaareen dhaawacyo,islamarkaana uu nabad qabo.
Waxa uu sidoo kale sheegay Raisulwasaaraha dalka Ethopia in ay jiraan dad ku dhintay Qaraxaasi, islamarkaana uu aad kaga xun yahay waxa dhacay.
Waxaa uu sheegay in Qaraxaasi la doonaayay in lagu waxyeeleeyo dadka Shacabka ee Banaabaxa taageerada ah sameynaayay,dowladiisana ay jawaab ka bixin doonto.










