Gaas:-“Waxaan Isku Difaaceenaa Wadajir, Waxaana Soxiranaynaa Xuuduudaheena”,!

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas), oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulkaas ayaa ka hadlay dagaalka mudooyinkii dambe ka socday deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Ciidamadda Somali-land ay weerar kusoo qaadeen dhulka Puntland, islamarkaana uu dagaalka socon doono ilaa laga xoreyn doono deeganadda Gobolka Sool.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas in Puntland markasta ay jeceshahay in dariskeeda ay Nabadda kula noolaato waligeedna ay Nabad ka shaqayn jirtay.

Madaxweynaha ayaa sheegay waxa kaliya ee u banaan Puntland iyo shacabkeeda uu yahay in ay isdifaacaan oo ay u midoobaan soocelinta Gobolada ka maqan Gacanta Puntland .

Madaxweynaha ayaa shacabka Sool ugub baaqay in Ciidamada Puntland ay diyaar u yihiin in ay xagooda ay u so ruqaan sadaan oo ay ka dul qaadaan heerayada gumaysi eeMaamulkaasi Soomaalidiidka ah uu  hayo shacabka Sool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here