Ururka xakameenta dhibaatooyinka (Control Risks) ee fadhigiisu yahay magaalada London ee dalkaasi Britain ayaa sheegay laga soo bilaabo bartamihii bishii April aynu ka soo gudubnay ilaa iyo haatan in ka badan 879 dhacdo ay kadhaceen dalalka Soomaaliya iyo Kenya kuwaa oo galaaftay nolosha dad fara badan Kuwaa oo masuuliyadisu ay dusha Ururada Xagjiriinta Soomaaliya.
Ururkan oo warbixin dheer kaqoray dhibaatooyinka ururada ka dhisan bariga dhexe iyo bariga Africa ayaa sheegay in weerarada ururada ka dhisan dalalkaasi ay sare uqaadeen bilihii ugu dambeeyay kuwaa oo dad fara badan oo shacab ah ay noloshooda kuwaayeen weeraradaasi ay geesteen kooxahaasi.
Dhinaca kale war bixintan ay soo saareen ururkan caalamiga ah ee ka hortaga xakameenta dhibaatooyinka ayaa sidoo kale carabaabay in falalkaasi kadhacayay guud ahaan Soomaaliya ay saameen weyn kuyeelatay dalka Kenya Halkaa oo lasheegay in ay kadhaceen 79 dhacdooyin kala duwan laga soo bilaabo bishii april ee sanadkan.
Jean Devlin oo ah madaxa Africa uqaabilsan ururkaasi ayaa carabaabay in dhibaatooyinkan ay hareeyeen Bilihii ugu dambeeyay isagoona sheegay in badi dadkaasi kudhintay dhacdooyinkan ay badan yihiin ciidamada amaanka dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyo dad rayid ah oo ka agdhawaa goobaha ay bartil maameed sanayaan Kooxaha Argagaxisada.

