Qarax Gaari lagu dhajiyay ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto ee Wadada Maka Al-Mukarama,waxaana gaariga saarnaa Wiil iyo Gabar dhalinyaro ahaa sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in wiilka iyo Gabadha in ay qaraxa ku dhaawacmeen ,islamarkaana loo qaaday goobaha Caafimaadka Magaaladda.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa goordhaweyd gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya.

