DEG DEG:- Taliye Mahad Ibraahim Cumar Oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

0

War goordhaw Idaacada Simba ee magaalada muqdisho kasoo gaaray deegaan weynaha Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalo madaxda soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay taliye ku Xigeenkii deegaanka Ceelsha ee gobalka Shabeelaha hoose.

Dilka taliye ku Xigeenkii deegaanka Ceelsha Biyaha ayaa  la sheegay inuu ka danbeeyay ruux ay isla saarnayeen hal gaari, balse lama xaqiijin wali ruuxaasi cida uu ka tirsanaa ama inuu kamid ahaa ilaalada taliyaha oo goordhaw lagu dilay isla gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Taliye ku Xigeenkii deegaanka Ceelsha Biyaha ayaa lagu magacaabi jiray Mahad Ibraahim Cumar Weedow, dilka taliyaha ayaa waxaa Simba u xaqiijiyay masuul katirsan maamulka deegaanka.

Madaxa arimaha bulshada deegaanka Ceelasha Biyaha  ee duleeka Muqdisho muqtaar nuur geeseey oo la hadlay Idaacada Simba ayaa inoo xaqiijiyay wararka sheegaya in la dilay taliye ku Xigeenkii deegaanka Ceelsha Biyaha ee uu ka danbeeyay dilkiisa ruux la saarna gaari.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in meydka taliyaha in la geeyay Xarunta Laanta dambi baarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID, halkaasi oo lagu baarayo waxa ka danbeeyay dilka taliyaha , iyo sababaha keenay in maanta lagu dilo isla deegaanka ceelasha Biyaha.

Waxii Ku Soo Kordha Kala Soco Isha Ku Haay www.simbanews.net

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here