Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa maanta ka dhacay banaanbax Shacabku ku taageerayaan Ciidamadda Puntland ee dagaalka kula jira Somaliland.
Dadka banaan-baxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay inay ka xun yihiin dhibaato Somaliland ku hayso Shacabka Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool waxay ku dhawaaqayeen “Laascaanood Madi maahan.
Waddooyinka Magaaladda Garoowe ee Puntland ayay socod dheer ku mareen iyagoo isugu tagay barxada Magaaladda, halkaasi oo ay warbaahinta kula hadleen.






