Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay Garaash ku yaalla xaafada Al-Cadaala Degmadda kaaraan ee Gobolka Banaadir waxa uu ku dilay Seddex wiil oo Walaalo ahaa.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dilka uu la xiriiro muran ka dhashay arimo dhuleed, taasoo keentay inuu yimaado gacan ka hadal.
Sidoo kale Eheladda wiilashadda la dilay ayaa sheegay in ilmo Adeero ahaayeen Wiilasha la dilay iyo askariga dilka geystay.
Askariga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday,waxaana socda baaritaano lagu baadi-goobayo sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiinta Kaaraan.
Dhanka kale Meydadka saddexda ruux ee la dilay ayaa isla xalay la geeyay Xarunta Danbi Baarista ee C.I.D, si Sawirro looga qaado kahor inta aan la duugin.

