Madaxweyne Xaaf oo Saacadaha Soo Socda Ku Dhawaaqayo Golihiisa Wasiiradda

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf saacadaha soo socda uu ku dhawaaqi doono Golihii Wasiiradda.

Magacaabista Golaha Wasiiradda Cusub ee Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay waxaana kasoo muuqan doono xubno cusub.

Sidoo kale Magacaabida Wasiirada ayaa la sheegay in lagu saleyn doono habka awood qeybsiga ee Heshiiskii Jabuuti ee Ahlusuna iyo Galmudug horay ugu dhex maray.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Xaaf ayaa la tashiyo la sameeyay madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh maxamed Shaakir Cali Xasan.

Dhanka kale waxaa wali jira Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee maamulka Galmudug,garabka ay hogaamiyaan Madaxweyne Ku-xigeenka Carabey iyo Cali Gacal ayaa xarun ka dhigtay Magaaladda Cadaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here