Wafdi uu hoggaaminayo Raiisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Wafddiga Raisul wasaaraha waxaa kamid ah Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.
Madaxweynaha Dowladda Somaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
Raiisul wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa haatan kulamo kula leh xarunta madaxtooyada Soomaaliya madaxda sare ee dalka.








