Raisulwasaaraha Ethopia Abiy Ahmed ayaa maanta kusoo wajahan Magaalada muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,kadib casuumadd uu ka helay dhigiisa Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga Raisulwasaaraha Ethopia ayaa laga dareemayaa Garooonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Labada Golle ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan Garoonka diyaarada kuwaasi oo soo dhaweynta qeyb ka ah.
Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abi Ahmed ayaa marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho loo galbin doonaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,wuxuuna halkaas kula kulmi doonaa Madaxda Ugu Sareysa Dowladda Soomaaliya.
Wafdi horudhac ah u ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr Workneh ayaa soo gaaray Muqdisho
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray wadooyinka magaalada oo loo diiday in ay maraan gaadiidka dadweynaha.

