Madaxweyne Gaas Oo Digniin U Diray Hay’adaha Amniga Puntland Inta Lagu Jiro Maalmaha Ciida+Dhageyso

0
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Gaas

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Shacaka ugu Hambalyeeyey Munaasabada Ciidul Fidriga ee maanta looga Dabaaldagayo dhamaan Dunida Islaamka.

Madaxweynaha ayaa hambalyada ciidda u diray dhammaan umadda Islaamka ah, shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland oo uu u rajeeyey inay sanadka sanadkiisa kale barwaaqo iyo bashbash ku gaaraan.

Madaxweyne Gaas ayaa dhanka kale Shacabka Puntland ugu baaqay inay ilaashadaan Nabadda iyo Xasilooniada deegaanadooda ka jirta,waxaa uuna laamaha Amniga ka dalbaday inay ka foojignaadaan dhibaatooyin amni oo Al-shabaab ay ka geystaan Deegaanada Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here