Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Shacabka Soomaaliland ayaa u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa kugaadhaan barwaaqo iyo horumar, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ah.
Madaxweyne Muuse ayaa intaas ka dib ku dhawaaqay in uu cafis u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Soomaaliland ku xiran , oo tiradoodu ay dhan tahay 511 maxbuus.
cafiskaan Maxaabiista u sameeyey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliland, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku xusan.

