Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa gaaray Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dawlad goboleedka Jubbaland.
Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlgallada ka dhanka ah Xoogaga Xarakada Al shabaab ee Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, halkaas oo dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa mareykanka ay kula dagaalameen Al shabaab.
Gen Gorod ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaaladii ay ku qaadeen ciidanka Al-shabaab Bisha Ramadaan ee ka dhacay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, waxuuna sheegay in howlgaladaasi lagu dilay 120-ka tirsanaaAl-shabaab.
Majirto cid ka madax banaan taliska ciidanka xooga oo xaqiijin karta in howlgalo ka dhacay gobalada dalka, lagu dilay 120 dagaalame oo katirsanaa Al shabaab, balse maal mahii ugu danbeeyay gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa ka dhacayay degmooyinka dalka howlgalo iyo dagaalo u dhaxeeyay ciidanka xooga dalka oo kaashanaya askarta Amisom iyo kuwa Al shabaab.

