Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab ayaa caawa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Ragga ka Tirsan Shabaab ayaa weerar kusoo qaaday fariisimo ay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku lahaayeen Isgoyska Sos iyo agagaarka Baar Jowhar ee degmadas.
Labadda dhinac ayaa isweedaarsaday hubka culus,wuxuuna dagaalka socday muddo saacado ah sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka caawa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

