Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay gaari Hoomey ah oo siday Qaad oo lagu gubay deegaanka Golweyn.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle ayaa Simba u sheegay in deegaanka Golweyn lagu gubay gaari Hoomey ah oo siday Qaad kadib markii la lahelay qoriga loo yaqaani Baasuukaha garabka laga rido.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in weerarkaas ay ku dhinteen 4 qof oo gaariga la socotay,islamarkaana gaari uu basbeelay.
Gudoomiyaha ayaa weerarkaasi ku eedeeyay Al-shabaab inkastoo war kamadax banana eeda gudoomiyaha uu ku eedeyay inay Al-shabab kadambeysay weerarkaasi aysan helin idaacada Simba.

